Xiddiga Roberto Firmino oo sheegay in uu ku faraxsanayahay ka garab ciyaarista xiddiga Diogo Jota.

Laacibka  weerarka uga ciyaara kooxda Liverpool ee Roberto Firmino ayaa mar kale sheegay  in uu ku faraxsanayahay ka garab ciyaarista xiddiga Diogo Jota.

Laacibka  Roberto Firmino ayaa sheegay in uuna Diogo Jota u arkin xiddig ay ku xafiiltamayaan boos waliba weerarka Liverpool haatan ka adag yahay kana fiican yahay sidii hore kadib imaatinka Jota.

“Liverpool waxa ay haystaa koox fiican, sidaas darteed in aad boos hesho ma ahan wax fudud, arintaasna waan la qabsaday”ayuu yidhi.

“Diogo waa xiddig cajiib ah waana xiddig kale oo aan kooxda wada joogno”.

“Waxa aan u shaqaynaa si adag dhamaanteen todobaadka kadib tababaraha ayaa go’aamiya xiddiga ciyaari doona sidaas darteed wax xafiiltan ah kulama jiro isaga”.

“Wax fiican ayuu ku soo daray weeraka kooxda sidaas darteed sanadkan waxa aan dareemayaa in aan ka sii fiicnaan doono sidii hore”.

“Aniga ahaan waxa aan u shaqeeyaa si adag tababarka kadib Jurgen Klopp ayaan u dhaafaa in uu ii sheego wax aan qabto”.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *