Madaxda gobolka galbeedka dalka oo ku kala qeybsameen Warbixinta BBI-da
Hoggamiyayaasha siyaasadeed ee gobolka galbeedka ee dalka ayaa waxay ku kala qeybsameen warbixinta BBI-da .
Madaxda gobolkaasi ee taagersan warbixinta BBI-da oo uu horkacayo gavanaha ismaamulka Kakamega Wycliffe Oparanya ayaa waxay xubnaha shacabka ay ku dhiirigelinayaan taageeridda BBI-da ayagoo sheegaya in Warbxinta BBI-da ay xambarsan tahay faaiidooyin badan .
Dhanka kale senetarka countiga Kakamega Cleophas Malala ayaa ku baaqay in wadatashi dheeraad ah iyo wadahadalo lagu dhameeyo dooda kusabsan warbixinta BBI-da.
Senetar Cleophas Malala ayaa carabka ku dhuftay in BBI-da ay aad uu yareyneyso awooda iyo shaqooyinka aqalka senedka uu qabto.
Sida oo kale xildhibaanka laga soo doortay bariga degmada Mumias Benjamin Washiali ayaa geebi ahaanba ka soo horjeestay warbixinta BBI-da .