Kulanka: Liverpool Vs Leicester City.

Naadiga  Liverpool ayaa marti galinaysa kooxda Leicester City kulan ka tirsan todobaadkii 9-aad kana dhici doona garoonka Anfield.

Kooxda Liverpool  Ayaa Kulanka soo galaysa iyaga oo isha ku haya in ay sii wadaan rikoodhkooda Anfield ee horyaalka premier League guuldaro la’aanta.

Dhanka kale Leicester City ayaa kulanka soo galaysa in ay garaacdo Liverpool kadib markii ay Man City ku xasuuqeen garoonkooda kulan ka dhacay Etihad kulamadii hore ee xilli ciyaareedkan.

Kulanka: Liverpool Vs Leicester City

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 10:15

Garoonka: Anfield

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Liverpool ayaa gool looga hor maray 3-dii kulan ee ugu dambeeyay ee ay premier League ku ciyaartay garoonkeeda laakiin waxa ay gaadheen guul soo laabasho leh laakiin ma jirto koox 4 kulan soo laabasho samaysay kulamada garoonkeeda taariikda premier League.

Diogo Jota ayaa shabaqa soo taabtay dhamaan seddexdii kulan ee Anfield ma jiro xiddig taariikhda Liverpool gool dhaliyay 4-tiisiikulan ee ugu horeeyay ee garoonka kooxda.

Liverpool ayaan laga badinin 63dii kulan ee ugu danbeysay ee ay ku ciyaareen garoonkooda, waana rikoorkoodii ugu dheeraa iyaga oo dhaafay rikoodhkoodii hore ee ay dhigeen intii u dhexaysay February 1978 & December 1980 laakiin Leicester City ayaa ahayd kooxdii rikoodhkaas ka jabisay Reds.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *