Kenya oo manta laga helay 1,211 kiis oo Cudurka corona.

Dowladda dhexe ee dalka ayaa manta sheegtay in 1,211 qof oo dheeraad ah laga helay cudurka corona  kadib markii cudurka corona laga baaray dad dhan 9304 .

Tirada guud ee kiisaska cudurka corona ayaa gaareen 76,404 sida lagu sheegay  warbixinta ay soo saartay wasaaradda caafimaadka ee dalka .

Warbixinta wasaaradda caafimaadka ayaa sida oo kale lagu sheegay in 17 bukaan oo dheeraad ah  ay uu dhinteen cudurka 24-kii sacadood ee la soo dhaafay taasi oo tirada guud ee dhimashada ka dhigeysa 1,366.

368 bukaan oo dheeraad ah ayaa ka soo caafimaadeen cudurka corona  ,265 oo bukaanadani ka mid ah waa lagu daryeeleeyey guryahooda halka 103 bukaan oo kalana laga soo saaray isbitaalada kala duwan ee dalka .

Tirada guud ee bukaanada ka soo caafimaadeen cudurka corona ayaa gaartay 51,352.

Dhanka kale wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa sheegtay in 1134 bukaan oo dheeraad ah ay ku jiraan isbitaalada kala duwan ee dalka  halka 67 bukaan ay ku jiraan qeybta xaaladda deg dega ah ee ICU-da.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *