Weerar ka dhacay caasimadda kabul ee dalka Afgaanistaan.

Dalka Afgaanistaan ee caasimadda Kabul ayaa waxaa manta ka dhacay qarax xoogan oo ay ku dhinteen 8-qof  halka 31-kalana ay ku dhawacmeen

Wakaaladaha amaanka  waxay sheegeen in weerarku dhacay waqtigii dadku ay shaqda aadayeen, taas oo ah xili mashquul badan

Weerarka wuxuu ka dhacay meel u dhow goobaha ay saafaradaha iyo diblomaasiyiinta ajnabiga ah ka dagan yihiin magaalada Kabul.

Weerarkan ayaa imaanaya, iyada oo shirka deeq yaboohida Afgaanistaan uu labo cisho kaddib ka furmayo magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

Shirkan ayaa ujeedkiisu yahay sidii loo caawin lahaa kaabayaasha dhaqaalaha ee dalka Afgaanistaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *