Tababare Zinedine Zidane oo ka hadlay arrin taabaneysa Raphael Varane.

Tababare  Zinedine Zidane ayaa  daaqadda ka saaray  uurtagalnimada uu Raphael Varane uga tagi karo Real Madrid mustaqbalka dhow kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in daafaca dhexe lala xiriirinayo kooxda Man United.

Laacibka  Red Devils ayaa lala xidhiidhinayay daafaca dhexe muddo dheer iyada oo kooxdu xiiso weyn u qabto xiddiga reer France.

Kooxda United ayaa ka fiirsanaysa in ay u dhaqaaqdo saxiixa Varane xagaaga dambe laakiin Zidane ayaa uga digay in uuna daafacu iib ahayn.

Daafaca Varane ayaa xiddig laf dhabar u ah kooxda Real Madrid isaga oo xilli ciyaareedkan u ciyaaray 10 kulan tartamada.

“Anigu ma ihi qofka doonaya in uu sii joogo”ayuu Zidane.

“Waa xiddig ka mid ah kooxda, Nasiib ayaan ku leenahay in uu nala joogo”.

“Waxa uu leeyahay xirfad weyn, waxana uu ku guulaystay koobab badan sidaas darteed ma ahan xiddig la iibin karo”ayuu sii raaciyay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *