Dowladda Masar oo isbaheysi la sameysaneyso dowladda Suudaan iyo maamulka Israel.

Dowladda Masar ayaa dooneysa in ay  isbaheysi la sameysato dowladda Suudaan iyo maamulka Israel, si looga hortago saameynta Turkiga ee Soomaaliya.

Xukumadda Masar ayaa  wakhti xaadirkani waxay wadaa  qorshe ay ugu hortageyso saameynta Turkiga ee badda Cas iyo hamiga Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ee gobolka.

Wargeyska maalin laha ah Yeni Safak oo aad ugu dhow dowladda Turkiga ayaa soo weriyey in maalmaha soo socda uu dhici doono kulan dhex mari doona saraakiil sare oo ka kala tirsan Masar, Israel iyo Sudan.

Wargeysku ma shaacin goobta loo qorsheeyey inuu ka dhaco kulankaas, balse ajendihiisa ugu weyn ayaa ah in looga wadahadlo isku dubaridka amniga ee gobolka iyo dhimista saameynta sii koreysa ee Turkigu ku leeyahay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *