Madaxda dalka oo ka hadlay amaanka Ismaamulka Baringo.

Madaxda ka soo jeedaan countiga baringo ayaa waxay bilaabeen dadaalo ay ku soo celinaya nabadda ee qowmiyadaha kula dagaalamaya halkaasi .

Gudaha countiga baringo ayaa waxaa maalmihi la soo dhaafay ka dhacay weeraro kala duwan oo dad badan ay ku dhinteen .

Xildhibaanka laga soo doortay deegaan barlamaaneedka Tiaty  William Kamket iyo saraakiisha guddiga qaran ee mideynta kenyanka  waxay kulan la qaateen  odayaasha qowmiyadaha ee countigaasi .

Kulankani ayaa loogu hadlay qaabka lagu soo celin karto nabadda ee gobolkaasi islamarkasina  lagu soo afjaraya weerarada halkaasi ka dhaca mar kasta .

Odayaashani  oo ka kala soo jeedaan degmooyinka Churo, Nadome, Silale, Kapedo  iyo qeybo kale oo ka mid ah deegaanka  Tiaty ayaa waxay ballanqaadeen in ay ka shaqeyn doonan nabadda .

Sabtidii la soo dhaafay ayaa isku duwaha howlaha amaanka gobolka Riftvalley George Natembeya wuxuu kulan amaanka loogu hadlayey uu la qaatay madaxda ka soo jeedaan waqooyiga gobolka Riftvalley.  

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *