Booliska oo Uganda oo loo fasax in ay toogtaan dadka dibadbaxyada dhigaya haddi ay gaaraan heer rabshado ay ku kacaan .

Saraakisha booliska ee dalka Uganda ayaa amar lagu siiyey in ay toogtaan dadka dibadbaxyada dhigaya haddi ay gaaraan heer rabshado ay ku kacaan .

Wasirka wasaaradda amniga gudaha ee dalka Uganda Elly Tumwine o warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in saraakiisha booliska  loo ogolaaday in ay toogtaan dadka dibadbaxyada dhigaya haddi ay gaaraan heer rabshado ay ku kacaan .

Amarkani ayaa ku soo begmeeya iyadoo isku dhac xoogan uu dahx maray saraakiisha booliska iyo dadka bannanbaxyo dhigayeen kadib markii xabsiga la dhigay  musharax madaxweyne Bobi Wine oo sidoo kale ah fanaan caan ka ah dalka Uganda.

Wararku ayaa waxay sheegayaan in  ugu yaraan 28 qof ay dhinteen  tan iyo maalintii arbacadii la soo dhaafay oo  dibadbaxyadu ay  ka bilowdeen dalka Uganda .

Wakalaadaha amaanka ee dalka Uganda ayaa waxay ku eedeyeen fanaanka caanka ah  Bobi Wine  in uu jabiyay xeerarka lagu xakameynayo faafida feyriska Corona ka dib markii u ka qeyb galay isu soo bax uu musharaxnimadiisa ugu ololeynayay.

Balse hay’adaha u dooda xuquuqul insaanka ayaa waxay sheegayaan in dacwadaha lagu soo oogay ay yihiin kuwa looga gol leeyahya in lagu cadaadiyo mucaaradka ka hor doorashada guud ee lagu wado in Uganda ay ka dhacdo bisha January.

Fanaankan oo magaciisa rasmiga ah uu yahay Robert Kyagulanyi, ayaa ka mid ah 11 musharax oo daboolka ka qaadeen  inay doorashada kula tartami doonaan madaxwayne Yoweri Museveni, oo xilka dalkaasi hayay tan iyo 1986.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *