Tirada dhakhaatiirta ee u dhimatay COVID-19 oo kor uu kacday .

Tirada dhakhaatiirta  ee  u dhimatay COVID-19 ayaa gaartay  11 kadib markii dakhtar kale uu  xalay uu dhintay  cudurka corona .

Dr Antony Were oo ah madaxa  qeybta kalyaha  islamarkaasina ku takhsuusay daaweynta cudurada ku dhaca kalyaha  ee  isbitaalka qaran ee Kenyatta ayaa xaleyto uu dhintay cudurka corona .

Dr Antony Were  ayaa ku dhawaad tobon maalmood ah ku jiray qeybta xaaladda degdega ah ee ICU-da isbitaalka qaran ee Kenyatta  kaasi oo markii danbe uu dhinta cudurka corona .

Uruurka ay ku mideysan yihin dhaqaatiirta ilkaha iyo saraakiisha caafimaadka loo soo gaabiyo KMPDU oo ka hadlay geerida dhaktarkani ayaa sheegay in dakhtarkani uu ahaa mid waxbadan oo la taban karo ka qabtay isbitaalka Kenyatta .

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *