Madaxa ururka midowga afrika ayaa ergo u magacaabay xalinta colaada itoobiya ka socoto.

Madaxweynaha koonfur afrika Cyril Ramaphosa ahna madaxa  ururka midowga afrika ayaa manta 3 xubnood u magacaabay in ay wada hadal ay ku dhameeyaan dagaalka ka socda waqooyiga itoobiya.

Madaxweyne Cyril Ramaphosa  ayaa xubnaha uu soo magacaabay ayaa kala ah  Ellen Johnson-Sirleaf, madaxweyne ka soo noqotay Liberia,Joaquim Chissano, madaxweynahii hore ee Mozambique iyo Kgalema Motlanthe,    Madaxweynahii hore ee South Africa.

Xubnahani ayaa shaqadooda waxay noqon doonta   la kulaanka  dhamaan dhinacyada ishaya ay qeyb ka noqdaan aragtida dhameynta qilaafka lana abuuro jawi wadahadal qaran oo loo dhan yahay si loo xalliyo dhamaan arrimaha keenay isku dhaca, iyo soo celinta nabadda iyo xasiloonida  Itoobiya ayuu yiri Cyril Ramaphosa.

Arintan ayaa timi kadib markii madaxweynaha itoobiya haweeneyda lagu magacaabo Sahle-Work Zewde ay booqatay koonfur afrika halkaasi oo ay wada hadal kula yeelatay madaxweyne Cyril Ramaphosa

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *