Dowladda Itoobiya oo mar kale ka hadashay dagaalka gobolka Tigreyga.

Wararka ka soo baxaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaalada ka socdo gobolka Tigrey ee waqooyiga dalkaasi ay ku dhinteen Boqllaal qof .
Xukumadda Itoobiya ayaa maalintii shaleyto daboolka ka qaaday in  iidamadeedu ay la wareegeen magaalooyiinka Aksum iyo Adwa.
Xukumaddaasi ayaa sida oo kale sheegtay  ay isa soo dhibeen  xooggagii kula dagaalamayay magaalooyiinkaasi

.
Tan ayaa ku soo aadeysa iyadoo saraakiisha hey’adaha gargarka ay ku baaqeen in si  kumeelgaar ah xabadda loo joojiyo gobolka Tigrey si ay u suragasho in la gaaro dadka rayidka ah ee uu dagaalka saameeyay.
Dhanka  kale  Qaramada Midoobey ayaa mar kale codsatay in la sameeyo marin  gargaarka bina’aadanimo loo mariyo qoysaska  uu saameeyay dagaalka labada toddobaad u dhaxeeya Militariga fedaraalka Itoobiya iyo xoogagga Tigrey.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *