Saldhiga maxabiista ee Nairobi Oo cudurka Coronavirus u ka dhilacay.

Waaxda adeega maxabiista ee dalka ayaa waxay sheegtay in la soo qaaday 31 maxbuus ah oo uu u dhacay cudurka Corona.

Maxabiistani ayaa waxaa laga soo qaaday saldhiga maxabiista ee Nairobi Remand and Allocation. 

Guddomiyaha  waaxda adeega maxabiista ee dalka  Wycliffe Ogallo oo warbaahinta la hadlay  ayaa sheegay in maxabiistani qaban cudurka Corona la geeyey isbitaalo kaladuwaan oo lagu daaweynaya.

Guddomiye Wycliffe Ogallo ayaa carabka ku dhuftay in kiisaskani cudurka Corona  la helay kadib markii 59 maxabuus ah laga baaray cudurka Corona .

Saldhigyada maxabiista  ayaa  waxay ka mid yihin goobaha  laga sameynaya  baaritaanada guud ee cudurka Corona .

Dhanka kale Waaxda adeega maxabiista ee dalka ayaa waxay sheegtay in xabsiyada laga sii daayey 11,000 oo maxabiis ah oo loo haystay danbiyo yar yar.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *