Naadiga Arsenal oo la xiriirtay wakiilka weeraryahanka kooxda Lyon ee Moussa Dembele

 Naadiga   Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay la xiriirtay wakiilka weeraryahanka kooxda Lyon ee Moussa Dembele si ay ugala soo wareegaan xagaagan weeraryahanka halista badan.

23-sano jirkan ayaa lala xariirinayaa kooxo badan oo yurub ka dhisan kaddib qaab ciyaareed cajiib ah oo uu ku qaadanayo kooxda reer France, iyadoo Manchester United, Chelsea iyo Liverpool ay dhamaantood xiiseynayaan adeega laacibkan.

Arsenal ayaa lagu qasbi karaa inay iska iibiso kabtankeeda Pierre-Emerick Aubameyang xagaagan hadii ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Gabon uusan la galin heshiis cusub, sidaas darteed waxay Gunners kusoo biirtay dagaalka loogu jiro Dembele.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *